Wasiirka cusub ee Amniga oo xilka la wareegay (SAWIRRO)

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa maanta xilka la wareegay, ka dib munaasabad kooban oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Amniga, Cabdullaahi Maxamed Nuur, munaasabad uu goobjoog ka ahaa Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku ammaanay Wasiirkii hore, sida howlkarka ahayd ee u soo hoggaamiyay xafiiska, muddadii uu xafiiska joogay.

Ra’iisal Wasaare Barre ayaa Wasiirka cusub xusuusiyay in looga fadhiyo shaqo culus, maadaama amnigu uu yahay mid ka mida tiirarka muhiimka ah ee xukuumadda.

Wasiir Doodisho ayaa la eegaya waxa uu ka qaban doono amniga dalka, oo caqabadda ugu weyn ee horgudban ay tahay Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com