Bannaanbax uu isku dhac xigay oo ka dhacay Magaalada Hargeysa

Ciidamada amniga ee Somaliland ayaa rasaasta nool nool iyo sunta dadka kaga ilmeysiisa u adeegsaday dad maanta mudaaharaad ka dhigayay Magaalada Hargeysa, ka dib markii dibadbaxayaashu ay ka gudbeen goobihii loo cayiman inay ku mudaaharaadaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa Arbacadii sheegay in Xisbiyada Mucaaradka ay tahay inay mudaaharaadkoodu ku qabtaan xarumahooda, oo aanay isugu soo bixi karin wadooyinka magaalada.

Xukuumadda oo saakay ciidamo badan ku soo daadisay wadooyinka ayaa xoog u adeegsaday dibadbaxayaasha, xilli ay socod ku marayeen xaafadda New Hargeysa.

Isku dhac dhex maray ciidamada ammaanka iyo taageereyaasha mucaaradka ayaa la arkayay, askarta oo rasaas ku rideysa dibadbaxayaasha iyo dibadbaxayaasha oo dhegxaan ku tuuraya.

Rabshadahan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo tiro dhaawacyo ahi la geeyay goobaha caafimaadka ee magaalada.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dhimasho iyo dhaawacba uu jiro, isagoo intaasi ku daray in ay tira-koob wadaan.

Xukuumadda ayaan weli dhankeeda ka hadlin isku dhacaan ka dhacay bariga magaalada, iyadoo dadkuna ay walaac dhanka amniga ahi ka muujiyeen isku dhacaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com