Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka ku soo laabtay

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku joogay dalka Uganda ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Uganda waxa uu kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalkaasi Yoweri Museveni, waxa ayna labada Madaxweyne si wadajir ah u shir guddoomiyeen Madasha Iskaashiga Dhaqaalaha ee Somaliya iyo Uganda oo ku saabsnayd fududeynta maalgashiga, kobcinta wax-soosaarka, xaqiijinta is-dhaafsiga ganacsiga iyo badeecadaha ee labada dowladdood.

Sidoo kale, wafdiga heer Wasiirro ee Madaxweynaha ku wehlinayay safarkan ayaa dhiggooda dalkaas la saxiixday heshiisyo lagu dhaqan-gelinayo go’aanadii ka soo baxay kulanka labada Madaxweyne iyo Madasha Dhaqaalaha Somaliya iyo Uganda, si loo dardargeliyo qorsheyaasha hortebinta u leh labada dal ee shaqo abuurka dhallinyarada, xoojinta fursadaha haweenka, dhiirigelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, warshadaha iyo hannaanka maaliyadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Museveni ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga amniga labada dal iyo nabadda gobolka, si loogu guuleysto dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com