Wararkii ugu dambeeyay ismiidaamin ka dhacday Degmada Afgooye (SAWIRRO)

Nin la socday mooto bajaaj lagu soo raray walxaha qarxa ayaa duhurnimadii maanta waxa uu Degmada Afgooye ku beegsaday Gudoomiye Kuxigeenkii hore amniga ee degmadaasi, Xuseen Jibriil.

Ninkan ayaa la sheegay in mooto bajaajta uu ku dhuftay gaari uu watay Xuseen Jibriil, ka hor intii aanu is qarxin.

Wararka ayaa sheegaya in Xuseen Jibriil uu daqiiqado ka dib u geeriyooday dhaawac halis ahaa oo qaraxaasi ka soo gaaray.

Cabdifitaax Xaaji Cabdulle oo horey u soo noqday Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Maaliyadda ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Universaltv u xaqiijiyay geerida marxuum Xuseen Jibriil.

Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa walaac ka muujiyay qaraxyada ku soo badanaya deegaanada Koonfur Galbeed.

27-kii bishii July weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Magaalada Marka ayaa waxaa lagu dilay Cabdullaahi Cali Axmed (Waafow), Gudoomiyihii Degmada Marka.

Laba cisho ka dib qarax kale oo ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa lagu dilay Wasiirkii Cadaaladda & Garsoorka Koonfur Galbeed, Sheekh Xasan Ibraahim (Lugbuur).

Si kastaba ha-ahaatee ma jirto cid sheegatay masuuliyadda ismiidaamintan ugu dambeysay ee maanta ka dhacday Degmada Afgooye.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com