Dowladda Emirate-ka oo deeq raashiin ku wareejisay Dowladda Federaalka (SAWIRRO)

Dowladda Emirate-ka Carabta ayaa maanta deeq raashiin ku wareejisay Dowladda Federaalka, iyadoona loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Xirsi Jaamac Gaani, oo ay wehliyaan Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Maxamed Abuukar Zubeyr iyo masuuliyiin kale ayaa deeqdaasi ka guddoomay Safiirka Emirate-ka Carabta ee dalka u joogga, Danjire Mohamed Ahmed Al-Othman.

Deeqdan oo ka kooban 40 kunteenar ayaa isugu jira cuntooyin kala duwan, oo loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Dowladda Somaliya ayaa ka shaqeynaysa, sidii raashiinkaasi loo gaarsiin lahaa dadka ugu baahida badan ee gobolada dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com