Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa shir degdeg ah isugu yeeray Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, isagoona kala hadlay arrimo khuseeya amniga.
Shirka oo ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qaybgalay Saraakiisha laamaha amniga ee Koonfur Galbeed, kuwa Midowga Afrika ee ATMIS iyo Saraakiil ka socotay Dowladda Ingiriiska.
“Shirka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga, iskaashiga qaybaha kala duwan ee ciidanka, waadaagidda xogaha argigixisada ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed iyo xoojinta hawlgalada socda.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Madaxtooyada Koonfur Galbeed.
Geba-gabadii shirka, Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Maxamed Cali Ibraahim oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu laamaha amniga kala hadlay weeraradii dhawaan ka dhacay xuduudda Koonfur Galbeed la wadaagto Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo shaqadii socotay & isla xisaabtankii hay’adaha ammaanka.
“Halkan oo ah Aqalka Madaxtooyada Dowlad Koonfur Galbeed waxaa ka qabsoomay shirka golaha amniga, oo maanta uu shir guddoominayay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), kulankaa oo diiradda lagu saaray guud ahaan xaaladda amniga ee deegaanada Koonfur Galbeed, oo runtii muddooyinkii la soo dhaafay xuduudaha Koonfur Galbeed la wadaagto Dowladda Itoobiya ay dhibaatooyin badan ka taagnaayeen iyo shaqadii socotay & isla xisaabtankii uu amnigu khuseeyay ayuu maanta Madaxweyne Cabdicasiis ugu yeeray dhammaan hay’adaha amniga.” Ayuu yiri Afhayeenka.
Afhayeenka ayaa intaasi ku daray “Waxaa shirka lagu fallanqeeyay xaaladda guud ee deegaanadan, dhacdooyinkii soo noqnoqday, hawlgalada socda iyo sidii loo dardargelin lahaa shaqooyinka amniga ee lagula dagaalamayo kooxda nabadiidka ee Al Shabaab, oo runtii caadeystay daadinta dhiigga Islaamka.”
Madaxweyne Laftagareen ayaa horaantii bishan bilaabay kulamo iyo abaabul la xiriira guluf ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab, ka dib markii ay kordheen weerarada ay Shabaabku ka gaysanayaan deegaanada Koonfur Galbeed.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com