Salman Rushdie oo dhaawac halis ah loogu gaystay dalka Mareykanka

Qoraaga lagu magacaabo Salman Rushdie ayaa Jimcihii si xun loogu dhaawacay Magaalada New York ee dalka Mareykanka, xilli uu ku sugnaa madal uu khudbad ka jeedinayay.

Nin mindi ku hubeysnaa ayaa weeraray Salman Rushdie, kaasoo la sheegay in dhowr jeer uu mindada kaga dhuftay qaybaha kore ee jirkiisa.

Ninka weerarka gaystay ayaa ka soo dhex baxay dadkii ku sugnaa goobtaasi, isaga oo sidoo kalena dhaawacay nin kaloo Wariye ah oo markaasi masraxa saarnaa.

Rushdie ayaa lagula cararay goobaha caafimaadka, iyadoo dhaawaca ugu weyn uu ka soo gaaray qoorta iyo caloosha.

Barasaabka New York, haweeneyda lagu magacaabo Kathy Hochul oo Warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in Rushdie uu nool yahay.

Booliska New York ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay ninkii weerarka gaystay. Boolisku waxay kaloo sheegeen inaanay macluumaad ka hayn waxa uu salka ku hayo weerarkaasi, balse ay arrintani ka wada shaqeynayaan Hay’adda FBI-da.

Rushdie oo u dhashay dalka India, sidoo kalena haysta dhalashada Britain ayaa horey uga careysiiyay Muslimiinta, ka dib markii uu qoray buug uu ugu magac-daray ‘aayadaha shaydaanka’.

Rushdie ayaa sanado badan la kulmayay hanjaabo dil ah, isagoo markii dambena dib u dejin ka helay Mareykanka. 75 jirkan ayaa abaalmarino caalami ah ku guuleystay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com