Gaabis badan ayaa ka muuqanaya tirinta codadka ee doorashada madaxtinimada ee dalka Kenya, inkastoo Guddiga Doorashooyinka ay haystaan muddo toddobaad ah, oo ay ku shaacin karaan natiijada doorashada, kana bilaabaneysa maalintii ay doorashadu ka qabsoomtay dalkaasi.
Tani ayaa waxaa barbar socda hadalada xanafta leh ee siyaasiyiinta qaarkood Warbaahinta ka sheegayan in lagu shubtay codadka qaarkood amaba la jabsaday hannaanka tirinta codbixinta ee doorashada Madaxweynaha.
Warbaahinta dalkaasi ayaa si weyn u soo tebineyso tirada kala horreynta ee codbixinta, hase yeeshee Guddiga Doorashooyinka oo qura ayaa ku dhawaaqi kara natiijada kama dambeysta iyo weliba cidda guuleysatay.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Kenya, Wafula Chebukati ayaa sheegay inay waajibaadkooda u gudanayaan si sax ah, waxaana uu ka digay hadalada xanafta leh ee gaabiska gelin kara tirinta codadka.
Doorashadan ayaa doorashooyinkii horey uga qabsoomay dalkaasi kaga duwan, iyadoo Guddiga Doorashooyinka aanay si horudhac ah u shaacinayn natiijooyinka codbixinta ee soo baxa amaba ay helaan.
Doorashadan oo ay isku hayaan Madaxweyne Kuxigeenka Kenya, William Ruto iyo Hoggaamiyaha Mucaaradka, Raila Odinga ayaa waxay natiijadeedu tahay mid si weyn isha loogu wada hayo, iyadoona uu labadan nin u dhaxeeyo farqi aan badneyn, sida ku cad natiijada kala horreynta, ee ay Warbaahinta dalkaasi baahineyso.
Musharaxa guuleysta ayay khasab tahay inuu helo wax ka badan boqolkiiba koronton (50%), codadkii la dhiibtay, haddii kalena dalka laga qaban doono doorasho kaloo ku celis ah, 8-da bisha soo socota ee September.
Shacabka dalkaasi ayaa baqdin badan ka qaba in gacan ka hadal uu dhaco, haddii lagu dhawaaqo in labadan nin uu midkood guuleystay.
Dalkan Afrikada Bari dhaca ayaa leh taariikh gacan ka hadal oo doorasho. Muran ka dhashay doorashadii sanadkii 2007 ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 1,200 oo qof, halka doorashadii 2017 la dilay in ka badan 1,00 qof, ka dib muran hareeyay doorashadaasi. Maxkamadda Sare Kenya ayaana xilligaasi waxba kama jiraan ka soo qaaday natiijadii doorashada, iyadoona amartay in doorashada dib loogu celiyo. Maxkamadda ayaa tani u sababeysay khalad dhinaca farsamada oo dhacay bishii August, doorashada ayaana dalka dib looga qabtay, bishii October ee isla sanadkaasi.
Haddii lagu qanco natiijada soo bixi doonta ayaa Odinga iyo Ruto uu midkood xilka kala wareegi doonnaa Madaxweynaha xafiiska banneynaya, waa Uhuru Kenyatta, waxaana uu noqon doonnaa Madaxweynaha 5aad ee dalkaasi uu yeesho.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com