Ciidanka Xoogga Dalka oo dilay Sarkaal ka tirsanaa Shabaab (SAWIRRO)

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa caawa sheegay in horjoogihii maleeshiyada Al Shabaab ee deegaanada Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan lagu dilay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Teedaan.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dagaal kula wareegay Teedaan, oo hoostagga Degmada Maxaas oo muddooyinkii ugu dambeysay-na ay arriminayeen maleeshiyada Al Shabaab.

“Argagixisada Al Shabaab waxay isku dayeen inay sameeyaan iska caabin, balse waxay wajaheen halaag xoogan dhammaan goobihii ay kaga jireen difaacyada, ciidanku waxay mariyeen cagta, iyadoo laga dhigay wax la dilay, wax la qabtay iyo wax la sii baacsanayo, waxaana ka mida dadka la dilay horjoogihii argagixisada u qaabilsanaa deegaanadaas, kaas oo lagu magacaabi jiray Maxamed Wehliye Waasuge.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan.

Warka ayaa lagu sheegay “Gulufka hawlgalada waxaa hoggaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jeyte Cismaan iyo Saraakisha Ciidamada Qalabka Sida ee Qaybta 27aad & Qaybta 21aad iyo Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dhammaan deegaanada laga saaray cadowga waxay ka sii burburiyeen adeegyadii nolosha muhiimka u ahaa. Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Madaxda Qaranka waxay ka shaqeynayaan, sidii noloshii deegaanadaas caadi loogu soo celin lahaa.”

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa soo bandhigay meydadka xubno ay ku sheegeen inay yihiin Shabaabkii maanta lagu dilay dagaalka iyo sidoo kale hubkii ay wateen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com