Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya qorshaha ka mid noqoshada Somaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa u magacaabay Ergey Gaar ah oo u qaabilsan arrimahaasi, Cabdisalaan Cumar Hadliye.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Ergeyga Gaarka ah looga fadhiyo, sidii uu uga miro-dhalin lahaa dadaalada ay Dowladda Somaliya ku bixineyso ololaha ku biiridda Dalladda Bulshada Bariga Afrika, si dadka Soomaaliyeed ay u soo bandhigaan fursadaha ganacsi, dhaqaale iyo bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin iyo doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta ay ku leeyihiin guud ahaan gobolka.
Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa khibrad, aqoon iyo xirfad wanaagsan u leh arrimaha diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah, taas oo u sahleysa in uu xaqiijiyo hiigsiga Dowladda Somaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Hadliye oo horey u soo hoggaamiyay hay’ado kala duwan oo waddani iyo kuwa caalami ah ayaa soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka iyo Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somaliya.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com