RW Xukuumadda oo ka qaybgalay munaasabad lagu taageerayay dowladda (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu taageerayay xukuumadda, oo ay soo qaban-qaabiyeen qaar ka mid ah bulshada caasimadda.

Waxgaradka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee munaasabadda hadalka ka jeediyay ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin xukuumadda cusub, si loo sii ambaqaado daadaalada ku aaddan horumarka dalka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dadweynihii soo qaban-qaabiyay munaasabadan, wuxuuna xusay in xukuumaddiisu ay dadaalkeeda isugu gayn doonto, sidii bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay jooggaan loo gaarsiin lahaa adeegga dowladda.

Ra’iisal Wasaare Barre ayaa sheegay in dalka ay ka jiraan abaaro ba’an oo saameeyay nolosha in ka badan hal milyan oo Soomaali ah, una baahan gurmad, isagoo baaq u diray ganacsatada iyo guud ahaan cid walba oo gacan ka gaysan karta.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qaybgalay Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka, Wasiirro, Duqa Magaalada Muqdisho iyo Agaasimeyaal.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com