Gaani oo la wareegay Wasaaraddii la baabi’iyay ee Gargaarka & Masiibooyinka (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad uu Xafiiska Ra’iisal Wasaaruhu kula wareegayay Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka, oo horey Wasaarad u ahayd.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Xirsi Jaamac Gaani ayaa Wasiirkii hore ee Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka ahna Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Khadiijo Maxamed Diiriye kala wareegay, taasi oo hoos imaanaysa Wasiiru Dowlaha, oo ka hoos shaqeeya Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ayaa tilmaamay in masiibooyinku yihiin wax laga duceysto, balse mar walba ay tahay in laga diyaargaroobo, isagoo intaa raaciyay in Xukuumadda Dan-Qaran ahmiyad gaar ah siin doonto ka hortagga masiibooyinka.

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ayaa uga mahad celiyay Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye, shaqadii ay Wasaaradda ka soo qabatay muddadii ay hoggaamineysay, waxaana uu Wasiiru Dowlaha Alle uga baryay inuu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com