Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka, General Maxamed Tahliil Biixi iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray deegaanka Teedaan ee Gobolka Hiiraan, oo Axaddii laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa halkaasi ku soo dhaweeyay wafdiga Taliyaha Ciidanka Dhulka, isagoona uga warbixiyay xaaladda deegaanka iyo ciidankaba.
Taliyaha ayaa u kuurgelayay xaaladda Teedaan iyo deegaanadii kale ee dhawaan laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.
General Biixi ayaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ku ammaanay dadaalka iyo howlkarnimada uu sameeyay, muddada uu hoggaaminayo hawlgalada ka socda inta u dhaxeyso Degmooyinka Maxaas iyo Matabaan.
Talisyada Qaybaha 21aad iyo 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo uu hoggaaminayo Gudoomiye Jeyte ayaa guluf ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab ka wado inta u dhaxeyso Matabaan iyo Maxaas.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com