Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu soo celiyay Saadaq Joon darajadiisa ciidanimo

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyay Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon) dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Booliska Soomaaliyeed, si waafaqsan qodobada 87aad iyo 90aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya sharciga dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee lr. 2 oo soo baxay sanadkii 1973-kii ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Booliska Soomaaliyeed ay saldhig u noqdaan hannaanka dimoqraadiyadeed iyo ilaalinta sharciga dalka.

“Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Maxamed, laga bilaabo maanta oo aan saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyay.”

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqangalay Isniin, 15-ka bishan August 2022, oo ah marka uu saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 13-kii bishii April ee sanadkii hore darajadii ciidanimo ka xayuubiyay Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, General Saadaq Joon, isagoona ka joojiyay wixii xuquuq ahaa ee uu lahaa.

Saadaq Joon ayaa 27-kii bishii January ee sanadkan loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com