Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka teleefanka kula xiriiray William Ruto

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya, William Ruto ayaa ugu hambalyeeyay isaga iyo KuXigeenkiisa Rigathi Gachagua, guusha ay ka gaareen doorashada dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay shacabka Kenya, xisbiyada dalkaas, hay’adaha amniga iyo madaxda tartantayba, sida nabadda ah ee ay doorashooyinkoodu u qabsoomeen, taas oo tusaale u noqoneysa hannaanka dimoqraadiyadeed ee dalalka gobolka.

Dhankiisa Madaxweyne William Ruto ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh hambalyada iyo bogaadinta guusha doorasho ee xisbigiisa, waxa uuna tilmaamay ixtiraamka iyo qaddarinta ay shacabka iyo Dowladda Kenya u hayaan walaalahooda Somaliya.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay adkeynta xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada horumarka, xasilloonida mandiqadda, kobaca dhaqaalaha iyo la dagaalanka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u rajeeyay madaxda cusub ee dalka Kenya in ay ku guuleystaan ka miro-dhalinta hiigsiga shacabkooda ee dhanka horumarka, door muuqdana ay ka qaataan iskaashiga iyo wax wada-qabsiga heer gobol.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com