Taliyaha Ciidanka Lugta oo ku dhawaaqay in la furay waddada Beledweyne & Matabaan

Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka, General Maxamed Tahliil Biixi oo ka hadlay hawlgalada ka socdo Gobolka Hiiraan ayaa ku dhawaaqay in la furay waddada xiriirisa Degmooyinka Beledweyne iyo Matabaan.

Taliyaha ayaa tani ku tilmaamay guusha ugu weyn ee illaa iyo hadda laga gaaray gulufka lagula dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab.

“Waxaan rabaa shacabka Soomaaliyeed inaan u sheego meel ay jooggaanba, guulaha la gaaray oo Shabaab laga gaaray, waddada isku xirto Matabaan iyo Beledweyne maantay waa furan tahay, waa guushii ugu muhiimsaneyd ee la gaaray, waa meesha ay ummadda Soomaaliyeed ku ciqaabayeen oo calaa baabuur labada kun kaga qaadanayeen, maantay waddadii waa furan tahay.” Ayuu yiri Taliyuhu.

Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in jabka Shabaabku ku jabeen gobolkaasi uu ka dhigan yahay mid ay Somaliya oo dhan ku jabeen, isla-markaana uu sii socon doono gulufka ka dhanka ah maleeshiyadaasi.

“Shabaab waa jabay, jabka uu Hiiraan ku jabay waa jabka uu Somaliya oo dhan ku jabay, laga hari mayo, haddii Ilaahay yiraahdo.” Ayuu yiri Taliyaha.

General Biixi oo shalay ka hadlayay deegaanka Teedaan oo hoostagga Degmada Maxaas ayaa yiri “Deegaankan dadka shacabka ee ku nool ama dadka deegaanka ee Macawiisleyda, ma garanayo waxa aan ku tilmaamo ama aan ku ammaano amaba aan ku hambalyeeyo, ma garanayo runtii. Waxay horseed u yihiin sidii SYL xornimada horseedka ugu ahayd ayay Somaliya horseed ugu yihiin, inay cadowga iska kor qaadaan, anaguna ka ciidan ahaan iyo dowladba waan garab siinaynaa, wax alla waxaan awoodno waan la garab taaganahay, waana ballan haddii Ilaahay yiraahdo.”

Jananka ayaa intaasi ku daray “Dhiigayaga iyo wixii kaloo aan ku taakuleyn karno, rasaas ama hub amaba xeelad dagaal ay tahay waan la garab istaagaynaa, haddii Ilaahay yiraahdo, sababtoo ah qofka hadduu wax qabsanayo ayaa wax lala qaban karaa.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com