Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Mareykanka ee dalka u joogga, Danjire Larry André.
Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in kulanka looga hadlay barnaamijyada xasillinta, dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha goleyaasha deegaanka ee dalka, isla-markaana uu Wasiirku u sheegay Safiirka in Dowladda Federaalka ay aqoonsan tahay, ayna qadarinayso dadaalka iyo taageerada uu Mareykanku u muujiyay Dowladda Somaliya.
Qoraal lagu daabacay bogga Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in labada dhinac ka wada hadleen yoolalka ay wadaagaan, ee ah in laga adkaado maleeshiyada Shabaab iyo taageeridda dhismaha goleyaasha deegaanka, si loo gaaro isla xisaabtan.
Kulankan ayaa qayb ka ah kulamo uu Wasiir Fiqi ka wado Caasimadda Muqdisho, ka dib markii Sabtidii uu xilka la wareegay.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com