Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ku geeriyooday Hargeysa

Allaha u naxariistii waxaa goor dhow Magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ka mid ahaa Abwaanada Soomaaliyeed, kuwooda ugu waaweyn.

Abwaanka ayaa ku geeriyooday hoygii uu ka deganaa Magaalada Hargeysa, halkaasoo muddooyinkii ugu dambeysay uu ku xanuunsanayay.

Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdulle (Yuusuf Shaacir) oo saaxiibo ay ahaayeen marxuumka ayaa xaqiijiyay geerida ku timid.

Abwaan Yuusuf Shaacir ayaa sheegay in Abwaan Hadraawi lagu xusuusan doono aqoontiisii iyo tacabkii uu geliyay ummadda, ee af, dhaqan, diin iyo suugaanba lahaa.

“Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa nin waa dhintaa, laakiin ereygii ma dhinto. Hadraawi haddii maanta lafahiisa ay naga taggeen, waxaa joogga oo aan taggeynin raadkiisii, taariikhdiisii, aqoontiisii iyo tacabkiisii uu ummadda geliyay, ee af, dhaqan, diin iyo suugaan, intaba lahaa.” Ayuu yiri Abwaan Yuusuf Shaacir.

Abwaan Hadraawi ayaa sanadkii 1943-kii ku dhashay tuulada Yeeyle, oo dhanka koonfureed kaga beegan Magaalada Burco, waxaana uu ka mid noqday Macalimiintii Jaamacadda Lafoole.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com