Madaxweynaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhaweeyay Degmada Caabudwaaq (SAWIRRO)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray Degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, xubno ka tirsan Labada Gole ee Galmudug iyo qaybaha bulshada.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay in wada tashi iyo kulamo uu la yeelan doono qaybaha kala duwa ee bulshada reer Caabudwaaq, kulamadaas oo la xiriira dhismaha golaha deegaanka ee Maamulka Degmada Caabudwaaq.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com