Mareykanka oo duqayn ku dilay 13 ka mida maleeshiyada Al Shabaab

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in weerar dhinaca cirka oo Axaddii ka gaysteen Gobolka Hiiraan lagu dilay 13 ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab.

Bayaan ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqaynta ay ka dhacday meel u dhow deegaanka Teedaan, oo hoostagga Degmada Maxaas.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in duqaynta lala beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kuwa Shabaabka oo weerar ku soo ahaa Ciidanka Militariga Somaliya, isla-markaana aanay jirin rayid ay waxyeelo ka soo gaartay duqayntaasi.

Toddobaadkii hore duqayn ay AFRICOM ka gaysatay duleedka Magaalada Beledweyne ayaa waxaa lagu dilay afar ka mida maleeshiyada Al Shabaab.

Washington ayaa dib u bilowday duqayntii ay ka gaysaneysay Somaliya, ka dib is bedelka ku yimid hoggaanka siyaasadda ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com