Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa billo ka dib waxa uu maanta dib ugu laabtay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, isagoona ku qabtay shir jaraa’id oo uu ku faah faahiyay guluf militari, ee ay Ciidanka Xoogga Dalka ka wadaan deegaanada ku yaala inta u dhaxeyso Degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee gobolkaasi.
“Dadka Muslimiinta iyo Gaalada wax ka dhaxeeyo ayaa jiro, oo ah bani’aadanimada. Shabaab bani’aadanimo ma ogola, Muslinimana ma ogola oo Allihii abuuray ayay ka been sheegayaan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha ayaa yiri “Nimanka magacaa Shabaab la baxay oo arrimahaa aan ka soo sheekeeyay ku sifoobay ayaa Somaliya dhibaato ku hayay muddo badan. Waxaan dagaal uga qaadnay Degmada Matabaan, waxaana ka sifeynay dhammaan Degmada Matabaan.”
Waxa kaloo uu yiri “Degmada Beledweyne inteeda badan, Maxaas iyo Matabaan intaas ayuu hawlgalku ka dhacay, waana ka sifeynay. Shabaab waa niman fuley ah, xeel dagaal oo aan qarax ahayna ma yaqaanaan. Anigu waxaan moodi jiray niman taatiko yaqaan oo wax badan fahmaya oo geesiyaal ah, maxaa yeelay waa kuwaan is qarxinayee naftooda ka samray oo macno inay sameynayaan ayaan u haystay, waxaan soo xaqiijiyay inay fuley yihiin, waxaana soo xaqiijiyay qorshe dagaal inaysan aqoon. Hawlgalkaas guulo badan ayaa laga gaaray, wax badan baa laga faa’iiday, cilmi badanaa xitaa ka soo baranay nimanka fuleynimadooda iyo wax-tar yaridooda, sidaa umaanan ogayn.”
Isaga oo hadalkiisa sii wato ayuu yiri “Waxaan xaqiijiyay dadka Soomaaliyeed-na aan u caddeynayaa wax aan qarax ahayn oo Shabaab ku wejihi karo dhumuc dagaal inaysan jirin.
Gudoomiye Jeyte ayaa hoosta ka xariiqay inaanay Shabaabku lahayn mowqif ay ku dagaalamayaan, aan ka ahayn inay dadka iska laayaan.
“Waxaan caddeyn oo aan la garanayn waxa ay sameynayaan iyo waxa ay ku raadinayaan, xitaa ma cadda.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo intaasi ku daray “Inay dadka laayaan oo keliya ayay rabaan, xukun ma rabaan, meel ay u socdaan lama yaqaan, waxa ay doonayaan lama yaqaan, Islaam maaha, Gaal maaha, diin ay haystaana lama yaqaano.”
Jeyte ayaa xusay in uu hadda u soo geba-gaboobay wejiga 1aad ee hawlgalka, wejiga labaadna uu u dhiman yahay, isagoona muujiyay inay tahay in loo mahadceliyo Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidamadii Booliska ee la hawlgelayay iyo maleeshiyada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.
“Wejiga koowaad ayaan hadda galnay waajibaadkeedii, wejiga labaadna waa inoo dhiman yahay, waana geli doonnaa. Waxaa mudan in loo mahadceliyo Ciidamada Somaliya, gaar ahaan Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidamada Booliska ee aniga ila hawlgelayay iyo ciidanka dib u xoreynta deegaanka, awalna la dhihi jiray Macawiisleyda, oo aan dhihi karo waa naftood hurreyaal.” Ayuu yiri Jeyte.
Jeyte ayaa lahaa abaabulka iyo dardargelinta gulufka militari, muddada uu wejiga hore ee hawlgalku ka socday gobolkaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com