Abwaan Hadraawi oo lagu aasay Khabuuraha Baqiic

Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa galabta lagu aasay Khabuuraha Baqiic ee Magaalada Hargeysa.

Aaska Abwaan Hadraawi ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxda Somaliland, bahda hal abuurka, dhaqanka, culimada, ganacsatada iyo dhallinyarada.

Madaxweynaha Somaliand, Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay goobta aaska ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka.

“Qof weliba oo bani’aadam ah wuu dhimanayaa, Ilaahay uun baa waara ah. Maantana waxaanu joognaa aaskii marxuum Maxamed Ibraahim Hadraawi.” Ayuu yiri Madaxweynuhu oo bulshada ka codsaday in loo duceeyo marxuumka.

Madaxweynaha ayaa yiri “Halkan duco uun baan maanta uga baahanahay. Hadraawi qof walba oo af Soomaali ku hadlaba waxaan is leeyahay qofkaas naftiisa ayuu kala hadlay, qofka la muu hadlin, ee adiga naftaada ayuu kaala hadlay sidaad u dhaqmayso. Qof walba oo af Soomaali ku hadla iyo qoys kastaba ka mid buu ahaa.”

Allaha u naxariistee Abwaan Hadraawi ayaa Khamiistii shalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, oo muddooyinkii ugu dambeysay uu ku xanuunsanayay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com