Dableyda Shabaab oo tan iyo xalay ka dagaalamaya Hotel Xayaat

Ciidamada Gaarka ee Gaashaan (Alpha Group) ayaa weli la dagaalamaya dableydii Al Shabaab, ee xalay fiidkii weerartay Hotel Xayaat oo ku yaala soona KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Dhowr nin oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ayaa la fahamsan yahay inay saaran yihiin dabaqa kore ee dhismaha hotelka, iyagoona ka soo ridaya rasaas iyo bambaanooyin ay ku caabinayaan Ciidanka Gaashaan.

Goobta uu ku yaalo hotelka oo aan xalay laga seexan ayaa waaberigii saaka laga maqlayay rasaas xoogan. Ciidamada ayaana ah kuwa keliya ee adeegsanaya qoryaha waaweyn, mararka qaarkoodna ciidamada dhulka ku sugan ee gaadiidka dagaalka wata ayaa qoryaha gaadiidka saaran ku ridaya dableydaasi.

Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda ayaa tan iyo xalay lagu arkayaa wadooyinka soo gala hotelkaasi, oo ah kuwa xiran, mana jirto cid loo ogolyahay inay halkaasi tagto.

Inkastoo Saraakiisha laamaha amniga aysan weli ka hadlin khasaaraha ka dhashay weerarkan ayaa waxaa haddana soo baxaya warar sheegaya in illaa sideed qof ay ku dhinteen.

Shaqaalaha Gaadiidka Gurmadka Degdegga ayaa laga soo xigtay inay goobaha caafimaadka geeyeen dhaawacyada afar iyo labaatan qof oo rayid ah.

Dhanka kale dad badan ayaa isbitaalada magaalada ka raadinaya xubno ka tirsan eheladooda, kuwaa oo nolol iyo geeri aanay midna ku haynin.

Hotelkan oo ku yaala mid ka mida wadooyinka laga galo Garoonka Diyaaraadaha Aadan Cadde ayaa noqonaya kii ugu horreeyay, ee ay Shabaabku sanadkan ka gaystaan caasimadda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com