Macluumaad la xiriira: Weerarka habeenkii 2aad ka socdo Hotel Xayaat

Rasaas ayaa weli laga maqlaya Hotel Xayaat oo ku yaala agagaarka Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, iyadoona 24 saac ay ka soo wareegatay, tan iyo markii dableyda maleeshiyada Al Shabaab ka tirsan ay gudaha u galeen hotelkaasi.

Wariye-yaasha oo ku sugan meel aan sidaasi uga fogayn dhismaha hotelka ayaa soo sheegaya in weerarku uu u muuqdo mid habeenkii 2aad ka sii socdo hotelkaasi.

Ciidamada Dowladda oo gudaha ugu jira hotelka iyo dhismooyinka ku dhow dhowba ayaa isku dayaaya inay soo afjaraan tiro yar oo dableydaasi ka tirsan oo weli saaran dhismaha hotelka.

Wadooyinka soo gala hotelkan ayaa ah kuwo xiran, gaadiidka Ciidamada Dowladda oo qura ayaana loo ogolyahay inay adeegsan karaan.

Hotelkan ayaa ku yaala meel aad ugu dhow bar kontorool oo laga ilaaliyo amniga mid ka mida wadooyinka gala Garoonka Aadan Cadde.

Tirada dadka ku dhintay weerarkaasi ayaa la soo sheegaya inay hadda gaartay labaatan qof, halka dhaawacuna uu sii caga-cageynayo illaa iyo konton qof.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya tiro meydad ah in gelinkii dambe ee maanta laga soo saaray barxadda hotelkaasi, inkastoo aanay jirin cid si madaxbannaan u xaqiijin karta.

Saraakiisha hay’adaha ammaanka ayaan weli wax war ah ka soo saarin, tan iyo xilligii uu weerarku bilowday.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu muddada dheeraa ee Shabaabku ka gaystaan hotel ku yaala Caasimadda Muqdisho.

28-kii bishii February ee sanadkii 2019 weerar socday in ka badan 20 saac oo xiriir ah ayay Shabaabku ku burburiyeen Hotel Maka Al Mukarama.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com