Wararkii ugu dambeeyay weerarka Hotel Xayaat oo weli socdo

Ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka ayaa waxay weli xarbi adag kula jiraan dableyda ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ee weerarka qorsheysan ku ekeeyay Hotel Xayaat ee Magaalada Muqdisho.

Inkastoo Ciidamada Dowladda ay ka takhaluseen inta badan raggii weerarka soo qaaday ayaa waxaad haddana arkaysaa in tiro yar oo dableydaasi ka mid ah ay si mintidnimo ah uga dhex dagaalamayaan dhismaha hotelkaasi.

Goobta uu hotelka ku yaalo ayaa waxaa laga maqlayaa rasaas iyo bambaanooyin ay mararka qaarkood adeegsanayaan dableyda saaran dhismaha Hayat Hotel.

Boqolaal ka mid ah Ciidamada Dowladda ayaa ku gadaaman dhismaha hotelka, sidoo kalena gaadiidkooda ayay ku jareen wadooyinka soo gala hotelkan.

Ciidamada amniga ayaa gudaha hotelka ka soo samata-bixiyay dad fara-badan oo ku go’doonsanaa, kuwaa oo ay ku jiraan haween iyo carruur.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in tiro meydad ah ay yaallaan barxadda hotelka, inta badan dadkan ayaa ku dhintay qaraxii labaad ee gaariga loo adeegsaday ee xalay fiidkii ka dhacay goobta gaadiidka la dhigto ee hotelkaasi.

Shan iyo toban qof ayaa illaa iyo hadda la ogyahay inay ku dhinteen weerarkaasi, halka dad afartan qof ka badana ay ku dhaawacmeen. Isbitaalka Madiina oo keliya ayaa la geeyay dhaawacyada 40 qof, kuwaa oo 31 ka mida la seexiyay.

Dad badan ayaad ku arkaysaa isbitaalada magaalada, iyagoo ka baadigoobaya xubno ka tirsan eheladooda, oo tan iyo xalay ay la’yihiin.

Dhanka kale waxaa maanta xiran goobaha ganacsiga ee ku yaala agagaarka Isgoyska KM4, dadkuna waxay walaac ka muujinayaan waxa ka socdo hotelkaasi, oo ku yaala mid ka mida wadooyinka laga galo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreeyay, uguna xooganaa ee Shabaabku ka gaystaan Caasimadda Muqdisho, tan iyo markii xafiiska dib loogu soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com