Dowladda oo shaacisay tirada dadkii ku dhintay weerarkii Hotel Xayaat

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa sheegtay in 21 qof ay ku dhinteen weerarkii dableyda Al Shabaab ka tirsan ay ka gaysteen Hotel Xayaat ee Magaalada Muqdisho.

Wasaaradda ayaa sheegtay in sidoo kale ay 117 qof ku dhaawacmeen weerarkaasi, kuwaa oo 15 ka mida ay xaaladoodu culus tahay.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay suurtagal tahay in ay dhimashadu intaas ka badan tahay, lagana yaabo in dadka qaar ay meydka ehelkooda aasteen, ka hor inta aysan gaynin isbitaalada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidanku ay soo badbaadiyeen 106 qof.

“Muddadii uu hawlgalka socday hay’adaha amniga waxay xoogga saareen badbaadinta iyo badqabka muwaadiniintii goobta ku sugneyd, waxa ayna ku guuleysteen badbaadinta dad ka badan 106 ruux, oo ay ka mid yihiin carruur iyo haween.” Ayuu yiri Taliyuhu.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreeyay, uguna xooganaa ee Shabaabku ka gaystaan Caasimadda Muqdisho, tan iyo markii xafiiska dib loogu soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com