Ex Madaxweyne Farmaajo oo loo dhaariyay xubin ka mida Golaha Shacabka (SAWIRRO)

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta loo dhaariyay xubin sharafeed ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa lagu dhaariyay Xarunta Golaha Shacabka (Villa Hargeisa) ee Magaalada Muqdisho, xilli ay kulan ku lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Dastuurka Qabyo Qoraalka ayaa ku maamuusaya shakhsi kasta oo dalka Madaxweyne ka noqdo in loo dhaariyo xubin sharafeed ka tirsan golahaasi.

Ka hor inta aan Farmaajo la dhaarin ayaa Xuldhibaano uu ka mid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxa ay gudbiyeen mooshin ay ku dalbanayeen inaanan Farmaajo la dhaarin, balse cod gacantaag ah oo Xildhibaanadu u qaaday ayaa markii dambe lagu dhaariyay Madaxweynihii hore ee dalka.

Horey waxaa sidaan oo kale xubinimadaasi loogu dhaariyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh iyo Farmaajo ayaa inta noloshooda ka dhiman ahaan doona xubno ka tirsan Aqalka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com