Madaxweynaha Jubbaland oo muddo xileedka loo kordhiyay (SAWIRRO)

Baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta muddo kordhin u sameeyay Hay’adaha Dowliga ee Jubbaland, iyadoona Xildhibaanada ay wax ka bedel ku sameeyeen dastuurka maamulkaasi.

Xildhibaanada ayaa dood ka yeeshay soo jeedin bishii hore ay soo jeediyeen 30 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland, kuwaa oo soo jeediyay in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka Jubbaland, sida qodobada 20aad iyo 70aad, oo qeexayay muddo xileedka Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa dood dheer ka dib ansixiyay in la bedelo muddo xileedka Xukuumadda iyo Baarlamaanka Jubbaland oo ahayd afar sano, lagana dhigo shan sano.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay natiijadii wax ka bedelka dastuurka iyo muddo kordhinta hay’adaha maamulkaasi.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo muddo xileedkiisu ku ekaa 22-ka bisha August ee sanadka 2023 ayaa xafiiska sii joogga doono illaa sanadka xigga.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com