Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hoggaaminayo, oo ay qayb ka yihiin Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage iyo Xildhibaano ayaa maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa ATMIS iyo Maamulka Gobolka Hiiraan.
Wasiirka ayaa kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka ATMIS ee deegaanka Ceeljaale, halkaas oo uu kula kulmay Saraakiisha ATMIS, kuwa Xoogga Dalka iyo Maamulka Gobolka Hiiraan, isagoona ka dhageystay warbixin la xiriirta xaaladda gobolka iyo hawlgalada ka socdaba.
Wasiir Jaamac ayaa bogaadin iyo dhiirigelin ugu tegay Maamulka Gobolka Hiiraan, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee gobolkaasi iyo maleeshiyada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, oo dagaal adag kula jira mintidiinta Al Shabaab.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com