Maamulka Hayat Hotel oo beeniyay in dableydii Shabaab uu hub u yiilay hotelka

Maamulka Hotel Xayaat ee Magaalada Muqdisho ayaa si adag u beeniyay in maleeshiyada Al Shabaab ay hub ku kaydsadeen/diyaarsadeen hotelka, qaarkoodna ay deganaayeen, ka hor intii aanu weerarku dhicin habeenimadii Jimcaha.

Weerarkan oo noqday kiisii ugu saacadaha badnaa, ee ay Shabaabku ka gaystaan hotel ku yaala Caasimadda Muqdisho ayaa dadka ka faallooda arrimaha amniga ay su’aal geliyeen halka dableydii Shabaabka ee weerarka gaysatay ka heleen hubka ay muddada soddonka saacadood ku dhow ku dagaalamayeen, waxaana tan iyo xilligaa soo baxayay warar sheegaya in dableyda weerarka gaysatay ay qaarkood deganeyd hotelkaasi, isla-markaana ay la hawlgaleen kuwii dibadda ka soo duulay.

Cabdulqaadir Maxamuud Nuur (Faatul) oo ah mid ka mida Milkiileyaasha Hotel Xayaat ayaa sheegay in hotelkoodu uu leeyahay nidaam, si la mid ah hoteelada kale ee caalamka, isla-markaana aan qofka hotelka la iska dejin karin, iyadoo aan dokumentigiisa laga qaban.

“Hotelka nidaam buu leeyahay, sida hoteelada caalamiga ah, waxaa jira awaamiir nala siiyay oo hoteelada dhan ay maraan. Qofka markuu hotelka yimaado basaboorkiisa iyo cidda keentay dokumentigiisa ayaa la xareeyaa, la iskama dejiyo qof aan dokumenti laga xareynin.” Ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamuud Nuur oo VOA la hadlay.

Sidoo kale waxa uu dayaacad ku tilmaamay in dableydii weerarka gaysatay ay horey hub ugu sii diyaarsatay hotelkooda, waxaana caddeynaynaa buu yiri inaanay waxba ka jirin arrintaas.

“Barnaamijyadaas waa barnaamijyada la wareejinayo barraha bulshada ee beryahaan qabsaday, waana maqleynay, arrintaasi waxba kama jiraan. Marka ma jirto cid hub ku kaydsatay ama deganeyd.” Ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamuud oo intaasi ku daray “Dhibaatada taaganeyd ka mid tahay, waxaana caddeynaynaa inaanay waxba ka jirin arrintaas.”

Faatul ayaa xusay in saacadaha badan ee weerarku socday uu burbur weyn ka soo gaaray dhismaha hotelka, isla-markaana aysan burburkaasi dhaqaale kaga soo kaban karin waqtiga dhow.

“Dhibaato dhaqaalaa dhacday, hotelkii gebi ahaanba wuu burburay. Saacadaha dheer waxay keenayn hotelkii inuu burburo, waxyaabaha la adeegsanayay oo aad u cuslaa, mararka qaar aan is leenahay xoogaa sidaasu saa’id ayay ahayd. Marka waxaa dhacday arrin aad u culus oo looga soo kaban karin xitaa muddo laba sano, dhibaatada hotelka ku dhacday.” Ayuu yiri Faatul.

Mar wax laga weydiiyay sababta loo bartilmaameedsaday hotelkooda amaba inay ogyihiin wax gaar ah oo keeni karay in la beegsado ayaa iftiimiyay inaysan ogayn sabab gaar ah oo bartilmaameed ay ku noqon karayn.

“Annaga wax gaar ah oo bartilmaameed ah oo isku ognahay ma jirto, waxaan annaga isku ognahay inuu yahay hotel shacab ku nool yahay, oo ganacsatada Bakaaraha iyo magaalada ay yimaadaan. Marka wax gaar ah oo annaga ognahay, ma jiraan.” Ayuu yiri Faatul.

Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in 21 qof ay ku dhinteen weerarkaasi, halka 117 kalena ay ku dhaawacantay. Taliska Booliskuna waxa uu sheegay inay ciidamadu soo badbaadiyeen 106 qof oo hotelkaasi ku go’doonsanaa.

Dhaliisha ugu weyn ee loo jeediyo dowladihii dalka isaga kala dambeeyay waa inaysan waxba ka baran weerar illaa weerar kale.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com