Qoorqoor oo kormeeray Garoonka Diyaaradaha Caabudwaaq oo dhisme uu ka socdo

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo maalmahaanba ku sugnaa Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta kormeeray Garoonka Diyaaradaha degmadaasi, oo dhisme uu ka socdo.

Madaxweynaha ayaa soo indha-indheeyay garoonkan, oo qaab horumarsan loo dhisayo, gacantana ay ku hayso shirkad la sheegay inay khibrad badan u leeyahay dhismaha garoomada diyaaradeed.

Maamulka shirkadda dhiseysa garoonkan ayaa Madaxweynaha u sheegay in dhabaha diyaaradaha ku cararaan ee garoonku uu balac ahaan la mid yahay garoomada waaweyn ee dalka, muddo saddex bilood ahna lagu soo afmerayo doono dhismihiisa.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay in Galmudug ay markii ugu horreysay heli doonto garoon heer caalami ah, waxaana uu shacabka reer Galmudug ugu baaqay inay maalgashi ku sameystaan, isku tashina ay ku dhistaan deegaanadooda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com