Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa xalay booqday isbitaalada lagu daaweynayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii ay Shabaab ka gaysteen Hotelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxa uu warbixinno ku saabsan xaaladda caafimaad ee dadkaasi ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaalada Erdogan iyo Madiina.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in dhaawacyada culus ee aan dalka wax looga qaban karin ay dowladdu u qaadi doonto dalka dibaddiisa, isagoo intaa raaciyay in sidoo kale ay dowladdu qaadeyso bukaano kale oo istibaalada horey ugu jiray.
Waxa uu ballanqaaday in dowladdu ay isla xisaabtameyso, isla-markaana ay qaadeyso masuuliyadda wixii dhacay, oo lala xisaabtami doono cid walba oo howsheeda gudan weysay.
Ra’iisal Wasaare Barre ayaa u mahadceliyay Ciidamada Soomaaliyeed ee naftooda u huray inay soo badbaadiyaan shacabka, kuwaa oo uu ku sheegay inay yihiin mujaahidiin dhab ah.
Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in 21 qof ay ku dhinteen weerarkaasi, halka 117 kalena ay ku dhaawacantay, kuwaa oo 15 ka mida ay xaaladoodu culus tahay.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com