Maleeshiyada Ururka Al Shabaab ayaa lix nin ku toogtay fagaare ku yaala deegaanka Kuunya Barrow ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Maxkamadda Al Shabaab ee gobolkaasi ayaa dhammaan lixdaasi qof ku eedeysay inay u basaasayeen Sirdoonada Somaliya iyo Mareykanka.
Qaadiga Maxkamadda ayaa fagaarahaasi ka akhriyay magacyada lixdaasi qof iyo xukunka ay maxkamaddu ku riday.
Qaadiga ayaa magacyada raggan ku kala sheegay:
Aweys Aadan Xasan Aweys Dalabey
Cabduqaadir Ibraahim Xuseen Boqol
Dr. Cabdiraxmaan Cabdulle Dhicisow
Cabdalle Nuunow Cabdulqaadir
Maxamed Sheekhey Barrow
Xasan Cumar Murjaan Xasan Garre
Ciidamada Xisbada ee sida booliska u tababaran ayaa raggan ku toogtay fagaare ay isugu soo baxeen dadka deegaanka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com