Suuq cusub oo laga hirgeliyay Degmada Matabaan (SAWIRRO)

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta xarigga ka jaray suuq cusub oo laga hirgeliyay Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Suuqan ayaa gaar u ah ganacsiga khudaarta, waana markii ugu horreysay oo suuq ceynkani oo kala ah laga hirgeliyo degmadaasi.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sheegay in suuqan uu wax badan ku soo kordhin doono ganacsiga deegaanka, isagoona u mahadceliyay hay’addii dhistay.

Madaxweynaha ayaa Maamulka Degmada Matabaan faray in hadda wixii ka dambeeyo ganacsatada khudaarta loo fasaxo inay ku ganacsadaan suuqaasi.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa dadka reer Hirshabelle ugu baaqay inay ka wada qayb qaataan horumarka deegaanadooda, isla-markaana ay maalkoodu geliyaan kor u qaadista ganacsiga, ee uu maamulku xoogga ku saarayo inuu ahaado mid horumarsan.

Guudlaawe oo Axaddii gaaray Matabaan ayaa dhagax-dhigay dhismaha garoon diyaaradeed oo laga hirgelinayo degmadaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com