Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeeray fariisimo ciidamada ku leeyihiin Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalintii 2aad ku sugan Gobolka Hiiraan, iyagoona xoojinaya hawlgalada ka socdo gobolkaasi.

Wasiirka oo uu wehlinayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta kormeeray fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin deegaanada Xujuub, Baardheere iyo Faaf-gumare, oo hoostagga Magaalada Beledweyne.

Wasiirka oo hadal u jeediyay ciidamada ayaa bogaadiyay hawlgalada ay kula dagaalamayaan kooxaha nabadiidka, isagoona ballanqaaday in Dowladda Soomaaliyeed ay garab taagan tahay, ayna tahay in hawlgalada ay halkooda ka sii socdaan.

General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidamada u sheegay in dalka oo dhan uu si isku mida uga socon doono hawlgalada ka dhanka ah kooxaha mayalka adag.

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya maleeshiyada deegaanka ee Macawiisley ayaa gobolkaasi ka wada guluf ka dhan ah mintidiinta Al Shabaab.

Ciidanka ayaa maanta oo ugu dambeysay waxaa la sheegay inay cagta mariyeen saldhiggii Shabaab ku lahaayeen deegaanka Hees, oo hoostagga Degmada Matabaan.

Wafdiga Wasiir Jaamac waxaa halkaasi uga sii horreeyay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka, General Maxamed Tahliil Biixi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com