Dagaal culus oo dib uga qarxay waqooyiga Ethiopia

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Itoobiya iyo Xoogaga Jabhadda Tigrayga ee TPLF ayaa maanta dib uga qarxay deegaanka Kobo, oo ku yaala meel ku dhow xadka Gobolka Tigray uu la wadaago Amxaarada.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda ayaa Ciidamada Dowladda Itoobiya ku eedeeyay inay soo weerareen fariisimaha ay xoogagoodu ku leeyihiin jiidda koonfureed.

“Ciidamada keli-taliska Abiy Ahmed ayaa duulaan ku soo qaaday fariisimaha aan ka joogno jiidda koonfureed, ka dib daandaansi todobaad qaatay.” Ayuu Afhayeenku ku sheegay bartiisa Twitter-ka.

Afhayeenka ayaa sheegay in dagaalka ay qayb ka yihiin Ciidamada Gaarka ee Amxaarada iyo maleeshiyaad Amxaaro ah, oo isaga kala yimid dhammaanba gobolka, kuwaa oo ay ku jiraan dagaal-yahanada Amxaarada ee Fano, oo ka yimid Gobolka Wollo ee Amxaarada, sida uu yiri.

Dadka deegaanka Kobo ayaa soo sheegaya in saakay uu dagaal culus ka qarxay deegaankaasi, labada dhinacna ay hubka noocyadiisa kala duwan isku adeegsanayaan.

Dowladda Itoobiya ayaan weli ka hadlin dagaalka dib uga soo cusboonay waqooyiga dalkaasi.

Ciidamada Itoobiya ayaa bishii November ee sanadkii 2020 weeraray gobolka waqooyiga dalkaasi dhaca ee Tigray, iyagoona dagaal ay dad badani ku dhinteen la galay Xoogaga TPLF. Dagaalka ayaa istaagay bishii March, dowladduna waxay ku dhawaaqday xabad joojin dhinaca bani’aadanimada ah.

Dagaalka dib uga qarxay waqooyiga dalkaasi ayaa imaanaya, xilli dhibaatada bani’aadanimo ee halkaasi ka jirta, lagu sheegay inay tahay mid ka daran tan Ukraine.

Dagaalkan ayaa wiiqay kobacii dhaqaale ee dalka ugu dadka badan Geeska Afrika uu sameynayay, wixii ka horeeyay muddada colaadda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com