Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Guddiga Amniga Qaranka (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay shir aan caadi ahayn, oo ay yeesheen Guddiga Amniga Qaranka.

Madaxweynaha ayaa Guddiga Amniga Qaranka ka dhageystay warbixin la xiriirta amniga dalka, ka dib weerarkii Hotel Xayaat ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay inuu diyaargaroowga bilaabay markii uu xafiiska yimid, kaas oo ku aaddan xoreynta deegaanada ay haystaan argagixisada Al Shabaab iyo in dagaal joogto ah lagu qaado cadowgan duullaanka ku ah nabaddeena, dowladnimadeena iyo madaxbannaanideena.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in hadafka ugu weyn ee argagixisada Al Shabaab ay ka leeyihiin weerarada gaadmada ah ee ay ku beegsanayaan goobaha ay shacabku isugu yimaadaan ay tahay in la niyad jebiyo dadka Soomaaliyeed, dowladdana laga mashquuliyo qorsheheeda xoreynta dalka.

“Waxaa naga go’an in aan argagaxisada dhibaatada ku ah shacabkeenna awood-tirno, ilaa laga xoraynayo dhammaan deegaannada ay xoogga ku haystaan. Qorshahaasi waa mid fulintiisa iyo diyaargarawgiisu ay socdaan, waa qorshaha mudnaanta koowaad u leh dowladdeenna.” Ayuu Madaxweynuhu ku sheegay war ka soo baxay xafiiskiisa.

Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage oo ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa shirka kaga qaybgalay muuqaalka foggaan-aragga.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com