Nabadoon Maxamed Nuur Diiriye oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa maanta waxay Suuqa Bakaaraha ku dileen Allaha u naxariistee Nabadoon Maxamed Nuur Diiriye.

Raggan ayaa qaarka kore ee jirkiisa ka toogtay nabadoonka, waxayna wax yar ka dib ka baxsadeen goobtii ay falkaasi gaysteen.

Nabadoonka oo dhaawac ahaan lagula cararay goobaha caafimaadka ayaa waddada ku geeriyooday.

Nabadoon Maxamed Nuur Diiriye oo dhaqanka ka mid ahaa ayaan la garanayn ujeedada ka dambeysa dilkiisa, iyadoo illaa iyo hadda aysan jirin cid sheegatay masuuliyadda dilkiisa.

Nabadoon ayaa deegaan ahaan ka soo jeeday Galmudug. Dhawaan ayayna ahayd markii uu ka qalin jebiyay mid ka mida Jaamacadaha Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com