Wasiir Jaamac oo gaaray jiidda hore ee dagaalka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta gaaray furinta dagaalka ee duleedka Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Wasiirka ayaa booqasho ugu tegay Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyada deegaanka ee Macawiisleyda ee ku sugan deegaanka Hees, oo maalmo ka hor ay kala wareegeen maleeshiyada Al Shabaab.

“Ciidanka Xoogga Dalka ee jiidaha hore dagaalka ku jira waa ku mahadsan yihiin in ay cashar u dhigeen cadowga shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu Wasiirku ku sheegay bartiisa Facebook.

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya maleeshiyada Macawiisley ayaa gobolkaasi ka wada hawlgalo ay kula dagaalamayaan mintidiinta Al Shabaab.

Ciidamada ayaa waxaa maanta la sheegay inay la wareegeen deegaano dhanka galbeed kaga toosan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamada ayaa guulo ka gaaraya gulufka horaan ka bilowday Matabaan, ee ku fiday Maxaas iyo Beledweyne.

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo Talaadadii gaaray Beledweyne ayaa sheegay inay muhiim u yihiin gulufka ka socda saddexdaasi degmo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com