Wasiirka Difaaca Somaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Magaalada Beledweyne kula kulmay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Kuxigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, ee ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyada deegaanka ee Macawiisleyda ka wadaan Gobolka Hiiraan.
Dhinacyada ayaa isla gartay in la iska kaashado dardargelinta hawlgalada maleeshiyadaasi lagaga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka.
Madaxweynaha Hirshabelle oo Warbaahinta kula hadlayay Beledweyne ayaa sheegay inuu guuleystay hawlgalka cadowga looga xoreynayay sida uu yiri saddexda degmo ee kala ah Matabaan, Maxaas iyo Beledweyne, isagoo intaasi ku daray in degmooyinkaasi ay hadda xor yihiin.
Madaxweyne Guudlaawe oo toddobaadkii hore gaaray gobolkaasi ayaa u tegay, si uu u bogaadiyo hawlgalada ka socda.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com