Weerarkii Hotel Xayaat oo ka turjumaya carrada Shabaab

Dabley ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ayaa fiidnimadii Jimcaha weerar u muuqday mid si weyn loo soo qorsheeyay ku ekeeyay Hotel Xayaat ee Magaalada Muqdisho.

Hotelkan oo ku yaala faras-magaalaha ayaa waxaa ku badan socodka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, Saraakiisha Ciidamada & Shaqaalaha Dowladda Federaalka, qurbajoogta iyo dadka degan caasimadda, oo maalmaha fasaxa u damaashaad tagga, waqti nasiino iyo madadaalana ku qaata, waana hotel amnigiisa aad loo ilaaliyo, deegaana ah.

Weerarkan ayaa noqday kiisii ugu muddada dheeraa, ee ay Shabaabku ka gaystaan hotel ku yaala Magaalada Muqdisho, waxaana ku dhintay dad tiradooda lagu sheegay 21 qof, halka 117 kalena ay ku dhaawacantay.

Khubarada amniga ayaa sheegaya in weerarkan uu ka turjumayo, sida Shabaabku uga careysan yihiin gulufka militari ee ka socdo gobolada dalka qaarkood, waana xilli Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage uu Isniintii hore sheegay in guluf ka dhan ah maleeshiyadaasi uu ka socdo dalka oo dhan. Taliyaha ayaana warkan ku sheegay wareysi uu siiyay Idaacadda Codka Ciidamada.

Waa Shabaab iyo caadadii mar kasta oo culeys uu soo fuulo inay sameeyaan amaba qaadaan weeraro argagax-gelin ah, taasoona loo fasirtay mid ay ku muujinayaan in weli ay nool yihiin amaba cuddudoodu ay taagan tahay, isla-markaana ay beegsan karaan goobaha ay ku firfircoon tahay Dowladda Federaalka.

Bishii hore ee July, Shabaabka ayaa ku guuldareystay inay Dowlad Deegaanka Soomaalida ka dhigtaan marin ay kaga sii gudbayaan Gobolka Baaleey (Bale) ee Oromia.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo Axaddii shalay Warbaahinta kula hadlayay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa dowladda ugu baaqay inay dardargeliso hawlgalada ka dhanka ah Shabaabka, isla-markaana uu weerarkii Hayat Hotel ahaa mid baqdin-gelin ah, sida uu yiri.

Weerarkan ayaa dadka reer Muqdisho soo xusuusiyay xilliyo hore, oo Shabaabku ay sidaan oo kale u beegsan jireen hoteelada magaalada, Xarumaha Hay’adaha Dowladda Federaalka iyo xeryaha ciidamada.

Waa weerarkii ugu saacadaha badnaa, intii Shabaab weerar ka gaysanayeen dalka oo dhan, waana kiisii ugu horreeyay ee ay ka gaystaan Magaalada Muqdisho, tan iyo markii xafiiska dib loogu soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com