Xasan Sheekh “Argagixisadu waa mas dilaa ah oo marada kugu jira”

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muuqaal uu xalay soo duubay waxa uu ku sheegay in Dowladda Federaalka ay soo afjari doonto dagaalka Al Shabaab, sidii ay horeyba ugu dhawaaqday.

Madaxweynaha ayaa sheegay inaanay Khawaariijtu lahayn dawo aan dagaal ahayn, haddana uu dagaalkaasi ka socdo deegaanada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

“Walaalayaal, markaan xafiiska imid waxaan ballanqaaday in Shabaab dagaal lagu ciribtirayo lagu qaadi doono, sababtoo ah Khawaariij dawo aan ahayn in la tirtiro malahan. Dagaalkaas waa socdaa, guulo la taaban karo ayaana laga gaaray, gaar ahaan deegaanada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay inaanay argagixisadu dagaal kula jirin dowladda, balse uu hadafkoodu yahay cabsigelinta, bahdilka iyo gumaadka shacabka.

“Dadka Soomaaliyeedoow argagixisadu dagaal kulama jirto dowlad, danna kama lahan ee waxaa mabda’ u ah cabsigelinta, bahdilka iyo gumaadka shacabka, oo ay u dheer tahay boobka hantidooda iyo cunaqabateynta abriyada gargaarka u baahan.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaa la yiri meyd maxaa u dambeeyay? Kaas la sii sido, dadkii Hotelka Xayaat joogay maxay bi’iyeen, ceelashii tuulaanka Teedaan, Bukure iyo Inabaal, ma murtidiin ayay ahaayeen? Boqolaalkii birimageedada ahaa ee 14-kii October ee Zoobe lagu xasuuqay, ma ciidan dowladeed ayay ahaayeen? Dad Muslimiin ah oo ay u badan tahay inay weyso u dhowrneyd, oo isugu jira bulshada qaybaheeda kala duwan, soo ma ahayn? Waana dhaqankooda in mar kasta oo ay guuldarro la kulmaan si naf la caarinimo ah in ay ugu soo laabtaan shacabka oo ay xasuuqaan. Astaantaas waxaa la yiraahdaa hililiqo ama neef gowracan geedo kama waabto.”

Waxa kaloo uu yiri “Ma’aha inay diinlaaweyaal yihiin oo keliya ee waa mas dilaa ah oo marada kugu jira, mas dilaa ahna xalkiisu waa dil, intuusan ku dilin.”

Madaxweynaha oo ka garaabayay dhibaatada shacabka ayaa yiri “Shacabka Soomaaliyeed waan ogahay inaad dhibaatada argagixisada idinku hayso quus ka taagan yihiin, waan ogahay inaad ku daasheen tacsida iyo baroordiiqda joogtada ah, waan ogahay in qarax walba oo ay argagixisadu soo maleygaan aad ku weydaan dad agtiina qaali ku ah, oo isugu jira ehel, walaal, hooyo, aabe, qaraabo iyo saaxiibo, waana ogahay inaad weliba dowladda soo dhowreysaan, intaas iyo in ka badanba waan ogahay, maxaa yeelay idinka ayaan weligeeba idinku soo dhex noollaa, oo xog ogaal baan u ahay duruufaha idinku gadaaman, hase yeeshee waa hubaal Somaliya waa ay ka guuleysaneysaa cadowga gardarada ku haya dalkeeda, dadkeeda iyo diintooduba. Dowladdeena, ciidankeena iyo shacabkeenuba is dhiibi maayaan, is dhiibi maayaan, illaa laga helaayo dal Soomaaliyeed argagixisada ka caagan, caddaalad iyo nabad ka jirto oo barwaaqeysan, Ilaahay idinkiis. In yoolkaasi aanu gaarno waxay u baahan tahay adkeysi, nafhurnimo, geesinimo iyo ka go’naan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka kula dardaarmay inay noqdaan kuwo mar kasta u taagan fashilinta weerarada kooxaha argagixisada, ayna tahay in is bedel laga sameeyo qaabka loola dhaqmayo kooxahaasi.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan kula dardaarmayaa inay noqdaan daljireyaal daahsoon, oo u taagan fashilinta dhagarta kooxaha argagixisada. Argagixisadu annaga ayay nagu dhex nooshahay, waana inaan iska qabanaa. Is bedel waa inaan ka keennaa sidaan argagixisada ula dhaqmaynaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com