Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda oo gaaray Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha oo isugu jira Wasiirro iyo Xildhibaanno ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ugu sarreyay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Ra’iisal Wasaaraha ayay ujeedada safarkiisu tahay u kuurgelidda xaaladda abaaraha iyo dhiirigelinta gulufka ay Ciidanka Xoogga Dalka ka wadaan gobolkaasi.

Waa safarkii ugu horreeyay ee Ra’iisal Wasaare Barre uu ku taggo meel ka baxsan Magaalada Muqdisho, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com