RW Barre oo kormeeray xeryaha ciidamada ee Beledweyne (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre iyo wafdigiisa oo uu wehliyo Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa galabta kormeeray xeryaha Ciidamada Qalabka Sida ee Magaalada Beledweyne.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa bogaadiyay guulaha ay ciidamadu ka gaareen dagaalka ay maleeshiyada Al Shabaab kaga saareen deegaano badan oo Gobolka Hiiraan ka tirsan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ciidamada ku tilmaamay inay yihiin geesiyeyaal difaacaya diinta, dalka iyo dadka Soomaaliyeed, iyana ay ku faraxsan yihiin.

“Ciidanka horteeda fadhiya ee Xoogga Dalka taariikh buu u leeyahay geesinimada iyo inuu cadowga baacsado, mar kasta oo Somaliya ay khatar gashana difaaceeda isagaa lagu yaqaanay.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.

Waxa kaloo uu yiri “Haddii aan horey u soo kuf-kufnay, haddii ay duruufo ina qabsadeen, maanta waxaan joognaa xilligii karaamada iyo sharafta dalkeena ay u soo laaban laheyd, kuwa u soo celinaayana waa wiilasha horteeda fadhiya, waxaana idin ku nimid anigoo wakiil ka ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud inaan idin mahadceliyo, inaan idin iraahdo dalkiina, dadkiina iyo madaxdiina way idinku faraxsan yihiin, waxayna ogyihiin waxa aad qabaneysaan.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxaad xoreyseen dhul aad iyo aad u ballaaran, idinkoo duruufaha aan ognahay ku nooshihiin, annagoo og baahiyaha aad qabtaan, Saraakiishuna runtii ay inoo warantay, haddana aan idin dhex taaganahay xog ogaal ka ahay, haddana waxaad sameyseen naftii hurnimo. 150km ayaad ku xoreyseen muddo kooban, taas micnaheedu waxay tahay, haddaad mar soo jeedsataan waxaad awood u leedihiin dalka inaad si dhib yar u xoreysaan.”

Barre ayaa ciidanka u sheegay inay dowladdu garab taagan tahay xilli kasta, waxaana uu yiri “Waxaan rabaa inaan idiin sheego dowladdiina way idin garab taagan tahay habeen iyo maalin, way idin ku tashaneysaa, idinkuna waad ku tashaneysaan, haddii Ilaahay yiraahdo.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com