Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu dambeeyay ee Kalfadhiga 1aad, oo lagu doortay Xubnaha Guddiga Kor-joogteynta Dib-u-eegista ee Dastuurka Qabyo Qoraalka Dalka.
Xildhibaanada ayaa doortay shanta xubnood ee Golaha Shacabka ku metelaya Xubnaha Guddigan, oo shaqadoodu tahay Kor-joogteynta Dib-u-eegista Dastuurka.
Xubnaha la doortay ayaa kala ah:-
Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf Iidow
Xildhibaan Maxamed Heyle Axmed
Xildhibaan Yuusuf Cali Xoosh
Xildhibaan Maxamed Yusuf Xasan Waliid
Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji Carab.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay Laba Habdhowre Kuxigeen, kuwaa oo kala ah Xildhibaan Cabaas Cali Ibraahim iyo Xildhibaan Sahra Cabdullaahi Cigaal. Xildhibaanada oo cod u qaaday ayaa waxaa kalsoonida siiyay 175 Xildhibaan, iyadoo 2 Xildhibaan ay diiday, halka 2 kalena ay ka aamustay. Gudoomiyaha ayaana sheegay inay sidaasi ansax ku yihiin.
Ugu dambayn Aadan Madoobe ayaa soo xiray Kalfadhiga 1aad ee Golaha Shacaba, isagoona Xildhibaanada u sheegay inay gelayaan fasax muddo laba bilood ah, isla-markaana ay dib ugu laabtaan deegaan doorashadooda, iyagoo soo qiimeynaya xaaladda nololeyd ee bulshada ay metelaan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com