Madaxa Hay’adda King Salman oo gaaray Magaalada Baydhabo (SAWIRRO)

Madaxa Hay’adda King Salman ee Sacuudiga u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ee Afrika, Youssef bin Bakhit iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo wafdigan ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha abaaraha ee dalka ka jira, gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay abaaruhu waxyeeleeyeen.

Wararka ayaa sheegaya in Youssef bin Bakhit uu Madaxweynuhu u sheegay in Xukuumadda Riyadh ay ka go’an tahay inay door weyn ka qaadato taakuleynta dadka Soomaaliyeed, ee ay abaaruhu saameeyeen, tani oo Madaxweynuhu uu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa indha-indheenaya xeryaha barakacayaasha ee ku yaala duleedka Baydhabo, si ay gurmad u gaarsiiyaan barakacayaasha halkaasi ku nool.

Madaxweyne Laftagareen ayaa waxaa kulankan ku wehlinayay Wasiiro, Agaasimaha Madaxtooyada, Gudoomiyaha Degmada iyo xubno kale.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com