Madaxweyne Kais oo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ku soo dhaweeyay madasha shirka TICAD

Madaxweynaha Tunisia, Kais Saied ayaa Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ku soo dhaweeyay madasha shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Afrika (TICAD), oo martigelinaya shirkaasi oo maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Tunis.

Shirka oo socon doono muddo laba cisho ah ayaa tan iyo sanadkii 1993-kii waxaa hoggaamineysay Dowladda Japan, waxaana si wadajir ah u qaban-qaabiya Qaramada Midoobey, Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobey (UNDP), Bankiga Adduunka iyo Guddiga Midowga Afrika (AUC).

Wafdiga Ra’iisal Wasaare Barre ee ka qaybgelaya shirka waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta & Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Beene Beene, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga, Cali Maxamed Cumar, La taliyaha Ra’iisal Wasaaraha ee Xiriirka Caalamiga, Drs. Hodan Cismaan Cabdi, Kuxigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Fadumo Cabdi Cali iyo Afhayeenka Xukuumadda ahna Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Bulshada, Farxaan Maxamed Jimcaale.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com