Darawalkan oo ka mid ah darawalada gaadiidka xamuulka ee ka hawlgala Dekedda Magaalada Muqdisho ayaa duhurnimadii maanta lagu dilay Waddada 21-ka October ee Degmada Waaberi.
Nin ku labisnaa dareyska Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay in darawalka uu u dilay lacag laba dollar ah, oo si sharci darro ah uu uga doonayay, balse darawalka uu u sheegay in gaariga uu canshuuran yahay, iyadoo weydiin iyo warcelin ka dibna la sheegay in askarigu uu rasaas huwiyay ninkii darawalka ahaa.
Darawalada gaadiidka xamuulka oo ka carooday dilkaasi ayaa xiray waddadaasi, iyagoona Dowladda Federaalka ugu yeeray inay wax ka qabato dilal joogto oo ay sheegeen in qaarkood loogu gaysto waddadan.
“Laaluush tuur oo laba dollar ah ayaa loo dilay, waan fahmi la’nahay, wax la xisaabtamayana maleh, maalin walbaa saan na loo dilaa, waa ninkii 3aad ee isbuucaan gudahiis lagu dilo Waddada 21-ka October.” Ayuu yiri nin darawaladaasi ka mid ah oo Universaltv la hadlay.
Ciidamada Dowladda ayaa lagu eedeeyaa inay wadooyinka magaalada ku dilaan darawalada gaadiidleyda, waxaana dhif iyo naadir ah in gacanta lagu soo dhigo askartaasi, kolka ay dilalka gaystaan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com