Barre oo Tunis kula kulmay Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre oo ku sugan Magaalada Tunis ee dalka Tunisia ayaa la kulmay Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Somaliya & Midowga Afrika iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amniga iyo siyaasadda ee labada dhinac.

“Mudane Xamse iyo Mudane Moussa ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Somaliya & Midowga Afrika iyo qaabkii loo xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaare Barre ayaa Magaalada Tunis kaga qaybgalay shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Afrika (TICAD).

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com