Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Hoggaanka Dhaqanka Puntland (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Magaalada Garoowe kula kulmay Isimada iyo Hoggaanka Dhaqanka Puntland.

Kulanka oo ahaa mid wadatashi ayaa looga hadlay xoojinta & taageerada dowladnimada dalka iyo sidii Odayaasha Dhaqanka Puntland kaga qayb qaadan lahaayeen dadaalada Dowladda Federaalka ee dib-u-heshiisiinta.

Madaxweynaha ayaa Isimada iyo iyo waxgaradka reer Puntland ka dhageystay talada iyo doorkooda horumarineed ee ku aaddan adkaynta dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa kulankan ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka, Abshir Cumar Huruuse.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tan iyo Khamiistii ku sugan Magaalada Garoowe ayaa kulamo kula leh Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland iyo qaybaha bulshada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com